Hargeysa (WWXO):-Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in dawladda Denmark ay safaarad ka furanayso Magaalada Hargeysa, taasi oo uu tilmaamay inay si rasmi ah shaqadeeda u bilaabmi doonto dhawaan.
Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu intaasi ku daray in dalka Norway-na ay dhawaan furan doonaan safaarad tan oo kale ah.
“ Xukuumadda talada haysa oo ay ka go’antahayin ay qadiyadda iyo horumarinta dalka ayaa waxay tanina noqonaysaa horumar ballaadhan oo uu dalka gaadhay,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu.
Wasiirka arrimhada dibadda Somaliland kale oo uu sheegay in dhawaan dalka Ingiriiskuna ka furan doono safaarad magaalada Hargeysa kaas taas oo wakiilkii loo magacaabayna imandoono dalka Somaliland ayaa ay ku soo badanaya qunsuliyadaha waddamo dhawr ah iyada oo ay tiro-ba jiraan qusaliyadda kala duwan ku waas oo xafiis ahaan u shaqeeya.
C/casiis Caydiid Cilmi(yemeni)
Xafiiska Onlin-ka
W.Warfaafinta Iyo Wacyigalinta



