You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

Jaaliyada Somaliland ee Germany ayaa xaflad soo dhawayna u qabatay Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan ciro

Waxaa magaalada Bergheim ee wadanka jarmalka ka dhacday xaflad wayn oo aykasoo qayb galeen dadwayne aad u badan,oo ku nool wadanka jarmalka.

xafladan oo ku salaysnayd,soo dhawaynta Gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan ciro iyo daahfurka xafiiska,urur siyaasadeedka wadani ee wadanka jarmalka,waxaana lagu doortay Gudoomiyaha laanta wadani ee wadankan Jarmalka Xuseen Abiib.

Xafladan waxaa qudbado ka jeediyay Gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee jarmalka Mohamed Husein Dhacsi,Daahir warsame, Aadan warsame abuhurayra,Gudoomiyaha cusub ee wadani wadankan jarmalka Xuseen Abiib,ugu danbaysta waxaa  halkaa qudbad dheer oo taariikhiya ka jeediyay,Gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha urur siyaasadeedka wadani,xafladu waxa aykusoo dhamaatay jawi aad u fiican gudoomiye ciro waxa socdaalkiisii,kusoo gaba gabeeyay wadankan jarmalka,waxaanu kusii
jeedaa somaliland.


wabilaahi tawfiiq
Cabdi maykal
Xoghaya jaaliyada

 

 

 

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية