Washington DC-(RHXO)- Jaaliyada Somaliland ee nawaaxiga Washington DC ayaa caawo (oo habeenkii Khamiis ah) casho sharaf ugu samaysay Dr. Hussein Muhumed Mohamed, Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland.
Waxa hadalka furay Rashid Garuf oo hadalka ku soo dhoweeyay Yusuf Kibare oo ka mida Odayaasha Jaliyada; Yusuf Kibare oo ku hadlaya magaca Jaaliyada wuxu Wasiirka u gudbiyay salaan iyo soo dhowayn ka socota Jaaliyada, wuxu ugu duceeyay in illaahay la garab qabto hawshii uu yimi Maraykanka. Yusuf wuxu hadalkii ku soo wareejiyay Wasiirka, oo ka waray xaalada Somaliland maanta Marayso, gaar ahaan dhinaca Wasaarada Caafimaadka; Wasiirku wuxu ka waramay in Somaliland horumar wayn oo la taaban karo ay ka samaysay dhinaca Addeega Caafimaadka labadii sanno ee xukuumadu jirtay, taasoo waxqabadkaa qayb wayn ay ka qaateen hayado madax banana oo ajnabi ah inta kalena ay dawladu ka qabatay oo laga sameeyay budgetka dawlada.
Wasiirku wuxu sheegay in Dhakhtarka ugu ladnaa Somaliland uu markii hore ahaa Dhakhtarka Borama ay muddo dhowr sanno ah ay caawinaysay hayad Talyaani ah oo la yidhaahdo COOPI. Dhakhtarka Borame maanta wuxu marayaa meel wanaagsan, intiisa badana dadaalka waxa la yimi reer Borame, waxa taageeray COOPI, anaguna waanu gacan qabanay oo taageeray. Gobolka Saaxil waxa aanu u samaynay oo qalabaynay Dhakhtarkii, waxa aanu furnay saddex xarumood oo waawayn Abdaal, Laasciideed, iyo Go’da wayn oo mid walba la geeyay ambalance dadka soo qaada, waxa kale oo aanu samaynay MCH ku yaala bulaxaar. Intaasoo meelood mid kasta waxa yaala mooto yar oo loogu talo galay inay dadka ugu tagto halka ay joogaan tuulooyinka. Gobolka Sahil waxa ku baxay $3 Milyan oo dollar oo ay bixiy DFID (UK) oo maanta heerkooda caafimaadku wuxu marayaa meel aad u saraysa.
Waxa soo raaca dhakhtarkii Ceergaabo waxa dhistay hayad [MSF] oo Natherland ka timi, dhamaan dhakhtarkii waa la dhisay oo la qalabeeyay, waxa la geeyay shaqaale qaliinka samayn karaya, qof dumar ah oo dambe oo laga soo qaadayo Ceergaabo ma jirto ee magaaladooda ayay ku helayaan dhakhtar daweeya, mid dumarka umushu ku xumaato qala oo hooyada iyo ilmahaba badbaadiya. Dhakhtarkii Burco isaga maanta qofkii arkay laba sanno ka hor maanta garan maayo, dhamaan dhakhtarkii waa la dhisay, waa la qalabeeyay, shaqaalihii waa loo tababaray; oo heerkiisa adeegu aad iyo aad ayuu kor ugu soo kacay labadii sanno ee ugu dambaysay, dhakhtarka Burco waxa naga caawisay haday [MSF] Belgium.
Haddii aan ka hadlo Dhakhtarkii Hargeysa maanta maalin uu ka wanaagsan yahay ma jirto. Waxa jooga 8 dhakhtar oo ajnabi ah oo Dawladu mushaharka siiso, waxa jooga 15 dhakhtar oo Somali qurbaha laga keenay oo ay mushaharkooda bixiso Foreign Ministry of Finland, imika waxa EU-du siisay dhakhtarka $1.5 million oo dib loogu dhisayo dhakhtarka, dawladuna waxay budgetka ugu dartay $1.6 million lagu bixinayo mushaharka shaqaalaha iyo qalabayn iyo dhisme intaba. Dhakhtarka Hargeysa waxa laga furay qalabkii safaynayay dhiiga iyo kelyaha oo aan oolin Djibouti iyo Somalia midkoodna. Oo maanta reer Somaliland waxay awood u leeyihiin in iyagoo jooga dhulkooda la badbaadiyo oo dhiiga loo sifeeyo. Maanta Dhakhtarka Hargeysa maalin uu ka wanaagsan yahay soo may marin. Dhakhtarka Gabileyna waxa naga caawinaya hayad Swedish ah, waxa noo hadhay Dhakhtar Sheikh oo aanu imika ku talo jiro inaanu dhowaan wax badan ka qabano.
Wasiirku wuxu kaloo hadalkiisa ku soo daray waxqabadka faraha badan ee dawladu qabatay ama ha ahaato mid madaarada waddanka lagu sameeyay ama ha ahaato mid wadooyin lagu sameeyay, ama ha ahaato dhaqaale ka soo baxay macdanta waddanka iyo heshiisyadii lala galay shirkadaha ajnabiga intaba. Wuxu kaloo Wasiirku ku nuuxnuuxsaday in maanta waxqabsiga dadkeenu ay iyagu samaysteen ee aan dawlad iyo hayad midina u samaynin uu ka badan yahay wuxu tusaale u soo qaatay inta dariiq ee la dhisayo ee magaalooyinka u kala baxa iyo Hargeysa iyo Burco dhexdooda ah ee shibicku samaysanayaan dawladuna ciida iyo gacanta siiso, iyaguna daamurka iyo inta kale keenayaan malayn kari maysaan. Dadkeena wax qabadkiisa iyo dadaalkiisa weeyaan waxaa halkaa lagu soo gaadhay.
Wasiirku wuxu hadalkiisii ku koobay mahadnaq uu u soo jeediyay Jaaliyada, guubaabo uu ku guubaabiyay inay waddankooda wax u soo taraan oo u raadiyaan hayado ka caawiya dhinaca caafimaadaka, wuxu u sheegay inuu aad ugu rajo wayn yahay in shirkan uu ka soo qayb galay, oo lagaga wada hadlayo sidii loo dhimi lahaa dhimashada caruurta ka yar shan jirka, uu filano in adeeg caafimaad uga soo baxayo shicibka Somaliland. Wasiirku wuxu u sheegay Jaaliyada inuu noqonaya maalinta Sabtida duhurkii, hadii illaahay saamaxo.
Xaashi Ismail
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland
Washington DC



