You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

18.02.2012.Sabti.Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jahliyadaha SL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0199/022012 ku magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, ee xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Jaaliyadaha  Somaliland u leeyihiin Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Somaliland.

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku qancay: in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, laga bilaabo taariikhda  maanta 18.02.2012 uu ahaado Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha ee Somaliland. Xaafiiskaas oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.


ALLAA MAHAD LEH

XAFIISKA AF-HAYEENKA MADAXTOOYADA JSL.


 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية