You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

20.12.2011.Salaasa.Madaxweynaha Siilaanyo oo Xilkii Maareeyaha Dekada Berbera u Magacaabay Cali Xoor Xoor.

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-828/122011 Xilkii kaga Qaaday maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir.

Waxaanu uga mahadnaqay mudadii uu xilka soo hayey, Hawlihii uu qaranka u qabtay sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo Sunaha Dawladnimo raacaya.

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:    Ahmiyadda Dekeddu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:   In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Dekedda Berbera;

Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay:       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xooor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA                        MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية