You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

17.12.2011.Sabti.Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka oo la wareegay Xilkii.

Hargeysa RH)- Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka Gen. Maxamed Xasan C.laahi (Jidhif) ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Taliyihii hore Nuux Ismaaciil Taani.Waxa xafladii xil wareejinta oo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka qaranka ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka socday Golayaasha qaranka, Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo ka hadlay madashii xilwareejintaas ayaa ka waramay waxyaabihii u hirgalay mudadii Sideeda sano ahayd ee uu xilka taliyaha guud ee Ciidamada qaranka hayay, waxaanu tilmaamay in markii loo magacaabay xilkan ay u suurto gashay in ciidanku u dhismeen laba qaybood, Sadex saldhig,gutooyin badan oo madax banaan iyo weliba Ururo kuwaas oo dhamaantood hoos yimaada taliska guud ee ciidanka .


Nuux Ismaaciil Taani waxa uu xusay in mudadii taliyaha ciidanka ahaa ay ciidanku kordheen boqolkiiba 41%,halka gaadiidkuna uu ka yahay Laba boqol oo baabuur.
Waxa taliyihii hore tafaasiil ka bixiyay tababaro kor loogu qaadayo aqoonta saraakiisha ciidanka qaranka oo u fulay mudadii uu xafiiska joogay.


Nuux Taani wuxuu ammaan balaadhan u soo jeediyay ciidamada qaranka oo uu sheegay inay ka soo baxeen waajibaadkoodii isla markaana ay sugeen xuduudaha Somaliland.

Taliyihii hore wuxuu ciidanka qaranka u soo jeediyay inay sidii ay isaga ula shaqeeyeen ula shaqeeyaan Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka.

Taliyaha cusub Gen. Maxamed Xasan C.laahi (Jidhif) ayaa u mahad celiyay Taliyihii hore ee ciidanka qaranka sid uu ugu wareejiyay xilkan loo magacaabay oo uu ku sifeeyay qori isu dhiib.waxa uu taliyuhu ka waramay khibradiisa iyo waayo aragnimadiisa dhinaca ciidamada.


Waxaa kale oo taliyaha cusub ee Ciidanka Qaranku u mahad celiyay Dawlada aynu deriska nahay ee itoobiya oo waxtar badan iyo gacan qabashaba u fidisay Somaliland .

Maxamed Xasan Jidhif, wuxuu digniin u jeediyay Puntland waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Puntland idinkaa la baxay oo anagu idiinma diidayno oo dastuur baad wadataan waxaad wadataan xisbiyo badan, idiinma diidayno oo waanu idinku hambalyeynaynaa, laakiin dhibaatada in kala haysataa waxa weeye marka la dafiro, adduunyadu xadka Somaliland halkay u taqaanay. Madaxweyne kuxigeenkiinu C/Samad Cali Shire waa ninkii ciidankan geeyay. ma jirto cid aanu ku duulimaad nahay, adduunkana sidaas ayaan u sheegaynaa.”

“Haddii aad nagu dhegtaan (Puntland) waanu iska kiin furfuri, Itoobiyana waxaanu leenahay haddii aanu gar-daranahay na qabta haddii lanaga gar-daran yahayna noo hiiliya,”ayuu yidhi Taliyaha cusub ee ciidanka qaranku.

Wasiirka Wasaarada Gaashaan dhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo gebo gebadii munaasibada xil wareejintaasi ka hadlay ayaa ku amaanay waxqabadkii uu hirgeliyay taliyaha xilka wareejiyay waxaanu ilaahay uga baryay inuu taliyaha cusub oo hawshan aqoonteeda leh uu u fududeeyo waajibaadka qaran ee dusha laga saaray .

Onliine/Office

W/Warfaafinta JSL

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية