You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

17.12.2011.Sabti.Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Hargeysa ka furay carwo ay ka qeyb galeen 100 shirkadood.

Hargaysa (RH):-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray carwada ganacsiga Somaliland oo lagu qabtay hotelka Mansoor ee magaalada Hargaysa.

 

Carwadan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay ururka Somaliland Business Fair (SBF) oo la kaashaday shirkadaha OGF, Dahabshiil, Somcale iyo kuwa kale, carwadaasi oo socon doonta muddo shan cisho ah waxa furitaankeedii ka soo qayb galay wasiiro badan oo ka mid ah xukuumada Somaliland, duqa caasimada Hargaysa, xubno ka socday goleyaasha baarlamaanka, qaar ka mid ah hay’adaha madaxa banaan, madaxda shirkadihii halkaasi ganacsigooda ku soo bandhigayay iyo boqolaal dadwayne ah.
carwadaasi oo ay qaybaha kala duwan ee ganacsigooda ku soo bandhigeen boqol shirkadood, oo todobaatan ka mid ahi ay yihiin sharaa’iga wadaniga ah, halka sodonka kalena ay ahaayeen shirkado ganacsi oo ka socday dalalka jaarka sida Jabuuti iyo Itoobiya.
Waxa carwadaasi lagu soo bandhigay badeecado iyo agabyo kala duwan oo ay ka mid yihiin, dhar, kabbo, Telefoonada gacanta, kombuyuutaro, agabka guryaha, cuntooyinka fudud, cabitaano, khudaar, alaabooyinka hidaha iyo dhaqanka oo kala duwan, baabuur nooca raaxada ah, sidoo kale waxaa iyagna carwadaasi noocyada adeegooda ku soo bandhigay shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa xawaaladaha iyo hay’adaha madaxa banaan.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo hadal ka jeediyay furitaanka carwadaasi ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay in carwo noocan oo kale ah ay ganacsatada Somaliland iyo kuwo ajnabi ahi ay ganacsigooda ku soo bandhigaan, laguna qabto dalka guddihiisa, isaga oo madaxwayne ku xigeenku tilmaamay in taasi ay muujinayso dadaalka ay dadka Somaliland ugu jiraan horumarinta dalkooda.
waxaanu yidhi “runtii farxad wayn bay inoo tahay dhamaanteenba dadka reer Somaliland, carwadan qiimaha iyo qaayaha leh in aynu ka soo qayb galno, taasi oo muujinaysa dadaalka ay dadka reer Somaliland ugu jiraan horumarinta dalkooda, sida aad la socotaan Somaliland muddo labaatan sano ah ayaynu isku tashi halkan ku soo gaadhnay,cid kasta oo inaga mid ah ama aqoon yahan ha noqoto, ama ganacsade ha noqoto, dalka waxbay ku soo biirinayeen, talaabo kasta oo qiimo iyo horumar leh oo aynu qaadnaa waxay inoo dhawaynaysaa ama inoo soo jeedinaysaa indhaha beesha caalamka, waxaynu wax ka bilawnay meel hoose iyo dal burburay, maantana runtii waxaynu joognaa maalin ama wakhti lagu faani karo, oo aynu dalal badan oo kursiga jamciyada quruumaha ka dhaxaysa fadhiya aynu kaga horayno dhinaca ganacsiga, xagga dimuqraadiyada iyo xagga nabad geliyadaba.”

 

Madaxwayne ku xigeenku waxa uu si balaadhan ah ugu mahad naqay cid kasta oo ka shaqaysay in carwadaasi ay qabsoonto, isaga oo si gaar ah u xusay dhalinyaradii sida qiimaha leh uga hawl gelayay carwadaasi “Waxaan aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada sida fiican u soo soo agaasimay hawshan ee isku xilqaamay in ay qabsoonto carwadan quruxda badan leh ee ganacsi, carwadu sida aynu naqaano waxay muujinaysaa waxyaabo kala duwan, mar waa isbarasho oo ganacsatadii ayaa is baranaysa, marna waxay ganacsatdu is baryaan dadka ay ka ganacsanayaan, bandhiguna qiimo wayn buu leeyahay, shirkaduhu iyaga oo kala duwan ayay hadana shirkad walba u baahan tahay shirkada kale waxa ay hayso, iyada oo waxay hayaan ay xayaysiinayaan hadana shirkadaha kale waxa ay hayaan ayay u baahan yihiin oo nin wax walba keenaa ma jiro, sidaas darteed waxaan leeyahay cid kasta oo ummada Somaliland wax u soo kordhisa way ku mahadsan tahay.” Ayuu yidhi Md Saylici.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay sabab u tahay in ganacsatada Somalilnd horumar balaadhan ku talaabsadaan ganacsiga xorta ah oo muddo labaatan sano ah Somaliland ay ku soo dhaqmaysay, isaga oo xusay in ganacsiga xorta ahi uu isa soofeeyo isla markaana uu faa’iido u leeyahay ganacsatada, waxaanu yidhi “Waxa halkaa ina gaadhsiiyay waa tartanka xorta ah, ee aynu ku soo dhaqanay muddadaa labaatanka sanadood ah, tartanka xorta ahi wax uu wanaajiyo mooyee waxba ma xumeeyo, ganacsigu wuu is dhisaa oo wuu isa soo feeyaa, haddii qolo walba meel uun loo daayo way daxaloobi lahaayeen oo way fadhiisan lahaayeen, markaa tartanka xorta ahi wuxuu keenayaa in qiimahaa aynu maanta gaadhnay keeno, in shirkado badani ay yimaadaan, in ay dadku adeeg jaban ka helaan, wax badan ayuu runtii tartanka ganacsigu keenaa.”
Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md C/rasaaq Khaliif Axmed, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si balaadhan ugu mahad naqay shirkadihii soo qaban qaabiyay xafladaasi gaar ahaana dhalinyaradii hawl wadeenada ka ahaa xafladaasi wax qabadka ay sameeyeen waxaanu yidhi “waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada hawshani soo qaban qaabiyay, waxaan idin xasuusinayaa shacbi kasta oo yimaada waxa salka u ahi waa dhalin yarada, xukuumadana siyaasadeedana waxaa ka mid ah dhiiri gelinta dhalinyarada iyo sidii loo horumarin lahaa, dhinac kasta oo ay noqotaba haday noqoto xag wax barasho, haday noqoto dhinaca waxbarasha iyo dhinaca fikir kaba.”
Md C/rasaaq Khaliif Axmed isaga oo faah-faahin ka bixinaya tirade shirkadaha ganacsigooda ku soo ban dhigay carwadaasi iyo shirkadaha gacanta ka gaystay qaban qaabada hawshaasi waxa uu yidhi “waxaa ka soo qayb galay boqol shirkadood oo isugu jira kuwa wadani ah iyo dibada ka yimid, todobaatan ka mid ahi waa wadani sodon k mid hina waxay ka yimaadeen wadamada dibada, waxaana ka mid ah shirkado waawayn oo caalami ah, arrintaana mar labaad ayaan ku amaanayaa dhalinyarada hawsha soo abaabushay, waxa kale oo aan u mahad naqayaa shirkadihii soo qaban qaabiyay hawshan oo ay ka mid yihiin OGF, Dahabshiil, Somcale iyo kuwa kale ee hawshaa soo qaban qaabiyay.”
Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin shirkad kasta oo la timaada barnaamij noocan oo kale ah in ay kala shaqayn doonaan una fududayn doonaan, waxaanu wasiirku xusay in barnaamijyada noocan oo kale ahi ay faa’iidooyin badan u leeyihiin ganacsatada, dawlada iyo dalkaba isla markaana ay k turjumayso muuqaalka dhabta aah ee Somaliland ka jira “Ka wasaarad ahaan waxaanu u balan qaadaynaa cid kasta oo la timaada barnaamij kan la mid ah ama hal abuur ka duwan sidii aanu imikaba ugu garab taagnayn hawshan ay qabanayaan in aanu u fududayn doono, barnaamijka noocan oo kale ahi runtii ma aha oo keliya carwo ganacsi oo laga soo qayb gelayo laakiin waa barnaamij faa’iidooyin badan leh, wuxuu faa’iido u leeyahay ganacsatada soo ban dhigaysa ganacsigooda, oo mar wuxuu u noqonayaa suuq marka dadku socdo ka faa’iidaystaan, waxa kale oo uu u noqonayaa barnaamij ay ganacsigooda ku gaadhsiiyaan meelo badan oo waxaa ka soo qyb gelaya qaybihii kala duwanaa ee warbaahinta meelo badan ayay gaadhaysaa, waxa kale oo faa’iido wayn u tahaay bulsho waynta oo iyaduna ka helaysa baahidooda, waxa kale oo y u faa’iidaynaysaa dawlada iyo dalka oo ay u samaynayso muuqaal aad u wanaagsan oo ah muuqaalka dhabta ah ee dalka.” Ayuu yidhi wasiirku.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Maayarka caasimada Hargaysa, maareeyaha guud ee shirkada dahabshiil iyo xubno ka mid ahaa ganacsatada ajnabiga ahaa ee ka qyb galay bandhiga carwadaasi waxaanay dhamaantoodba sheegeen inay carwadani fursad u tahay is dhex galka ganacsiga.

 

Online/Office

W/Warfaafinta

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية