Hargaysa (RH):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, oo safar ugu maqnaa dalka Itoobiya oo uu kaga qayb galay xuska maalinta qormiyadaha Itoobiya, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.
Guddoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu sheegay in dhigiisa baarlamaanka federaalka Itoobiya kulanka uu la yeeshay ay kaga wadahadleen arrimo la xidhiidha diblomaasiyada labada dalka iyo xidhiidhka ka dhexeeya ee qotada dheer. Waxaanu xusay in uu dalka Itoobiya kaga qayb galay xuska qomiyadaha qaranka Itoobiya oo lagu marti qaaday madax badan oo ka socday dalalka Itoobiya la jaarka ah.
“Safarkii aan ku tegay dalka Itoobiya waxa uu ka dambeeyay marti qaad rasmi ah oo aan ka helay baarlamaanka dalka Itoobiya, munaasibadii ku beegnayd xuska maalinta qoomiyadaha qaranka Itoobiya oo lagu marti qaaday wadamada la jaarka ah dalka Itoobiya iyo guud ahaanba dalal badan oo Afrikaan ah, munaasibadaas oo lagu xusayay maalinta qoomiyadaha ee dalka Itoobiya kuna beegmayd, laguna qabtay magaalada Mekele ee gobolka tikree, iyada oo xuskaasi sanadkiiba meel lagu qabto, xuskii kan ka horeeyayna waxa lagu qabtay magaalada Diridhaba taasina waxa ay muujinaysaa cilaaqaadka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaana xuskaasi ka soo qayb galay raysal wasaaraha dalka Itoobiya, Males Sanawi, iyo madaxweynaha dalkaasi iyo masuuliyiin badan oo kala yimid gobollada dalka Itoobiya.” .” Ayuu yidhi Md Cirro.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sidoo kale waxa xuskaasi ka qayb galay madax ka socday dalalka Jabuuti, Somaliland, Kiiniya, Ugaandha iyo Ruwanda iyo Burundi iyo wadamo kale, munaasibadaasi oo ah mid aad loo wayneeyo dalka Itoobiya”.
C/raxmaan Cirro waxa kale oo uu ka hadlay siyaasada arrimaha dibada Somaliland, waxa uu sheegay in ay meel wanaagsan ay marayso, isaga oo xusay in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xidhiidh walaaltinimo oo dheer, isla markaana soo jireen ah. Md Ciro waxa kale oo uu sheegay in ka qayb galka xuska maalinta qoomiyadaha ay ahayd markiisii labaad, isla markaana uu hore uga qayb galay sanad guuradii baarlamaanka Itoobiya.
Online/Office
W/Warfaafinta



