(RH)-Dowladaha Ruushka iyo Belgium ayaa ku heshiiyay in kor loo qaado la dagaalanka budhcad badeeda Soomaalida oo ay tilmaameen inay dhibaato ku hayaan Maraakiib isticmaasha Badwaynta India.
Shir ay ku yeesheen Wasiirada arrimaha dibadda ee gaashaanbuurta Nato iyo Ruushka magaalada Brussels ee dalka Beljimka ayaa waxaa lagaga hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dalalkaasi la dagaalanka kooxaha budhcad badeeda Soomaalida islamarkaana ay u sii xoojin lahaayeen ciidamada dalalkaasi ka jooga xeebaha Soomaaliya iyo Badweynta India.
Madaxa guud ee Nato oo Saxaafadda la hadlay markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxa uu sheegay in Shirkaani ay kasoo qeyb galeen ku dhawaad 29-dal oo xubin ka ah Ururka iyo dowladda Ruushka, isagoo sheegay in kulankaasi ujeedkiisu ay aheyd soo afjaridda dhibaatooyinka burcad badeeda ay ku hayaan maraakiibta iyo doonayaha.
Dhinaca kale dowladda Ruushka ayaa waxa ay sheegtay in ay ka fulisay xeebaha Soomaaliya iyo badweynta India ilaa 7 howlgal oo ay kaga hortageyso dhibaatada burcad badeeda Soomaalida, iyadoo intaasi raacisay in ay ku guulaysteen yareenta weerarada ay qaadi jireen burcad badeeda.
Shirkaani ayaa waxa uu qeyb ka yahay shirar isadaba joog ah oo maalmihii u dambeeyay looga hadlayay ladagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo la sheegay in uu hoos u dhacay afduubkii ay u gaysan jireen markiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.
Online/Office
WWarfaafinta



