London (RH)- Guddoomiyaha Gudida wada jirka ah ee Baarlamaanka Ingiriiska Tony Baldry, ayaa khamiistii kulan qado sharaf ah xarunta baarlamaanka ugu sameeyay laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland oo socdaal ku jooga dalkaasi iyo Xoghayaha arrimaha dibada xisbiga UCID C/Fataax Siciid.
Mudaneyaashu waxay Tony Baldry uga mahad celiyeen sida uu u taageero qadiyada Somaliland iyo su’aal arrinta Somaliland dhawaan ka weydiiyay Wasiirka Afirka u qaabilsan Ingiriiska oo hortagay Baarlamaanka.
Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed caawa ka soo baxay xisbiga UCID oo u dhignaa sidan:-
“Guddoomiyaha guddida wadajirka ah ee Golaha Baarlamaanka dalka Ingiriiska (Chair of the All-Party Parliamentary Group) Tony Baldry ayaa khamiistii Qaddo Sharaf ugu sameeyey gudaha xarunta Baarlamaanka dalka Ingiriiska ee magaalada London Xoghayaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xisbiga UCID Cabdifataax Siciid Axmed oo ay wehelinayeen Xildhibaano ka tirsan aqalka golaha Wakiiladda Somaliland oo kala ah Xildhibaan Md. Maxamed Cali Xirsi iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Xoog.
Qado sharafeedkani oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah oo Guddoomiyaha guddida wada jirka ah ee Baarlamaanka Ingiriisku Tony Baldry uu sameeyay masuuliyiintaasi ayaa Xoghayaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xisbiga UCID Cabdifataax Siciid iyo labada mudane ee ku wehelinaayey kulankaasi waxay si weyn oo qoto dheer uga wada hadleen arrinta qaddiyadda madax banaanida Somaliland iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa.
Cabdifataax Siciid iyo labada Mudane ee ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ugu horayn kulankaasi uga mahad celiyey Mudane Baldry Su’aashii uu weydiiyey Wasiirka Britain u qaabilsan Arrimaha Afrika Henry Bellingham kulankii Baarlaaanka Britain uu yeeshay todobaadkii ina soo dhaafay ee ku saabsanaa siyaasadda Britain ee arrimaha dibadda, su’aashaasi oo salka ku haysay waxaa Somaliland ka khuseeya shirka Soomaalida loogu qabanayo Bisha February 23-keeda magaalada London oo uu Mr. Baldry seddex jeer oo is xiga ku celceliyey Wasiirka Afrika u qaabilsan Britain Henry Bellingham.
Cabdifataax iyo Xildhibaanadu waxay uga mahad celiyeen Guddoomiye Baldry sida uu ugu istaagay difaaca qaddiyadda iyo gooni isku taagga Somaliland inay tahay muqadas aan cidna lagala hadli doonin.
Kulanka ay yeesheen ay la yeesheen Tony Baldry ayaa waxay si qoto dheer uga wada hadleen qodobadani
1. Waxay isla ogolaadeen oo ay isla aqbaleen Guddoomiye Tony Baldry iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga UCID iyo Labada Mudane Maxamed Cali Xirsi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xoog in aanay Somaliland ka soo qayb gelin gacana ku yeelan shirka loogu qabanayo magaalada London sannadka soo socda bisha february 23-keeda qaybaha Soomaaliya
2. In la soo celiyo Ururkii la odhan Jiray Somaliland Focus Group ee ka shaqayn jiray in la balaadhiyo saaxiibadda Somaliland ku leedahay masraxa siyaasadda Britain ha noqoto gudaha Guriga Baarlaaanka ingiriiska iyo Dawladda ingiriiska gudaheeda
3. In la soo celiyo kulanadii joogtada ahaa ee ay iskugu iman jireen Guddidii Saaxiibada Somaliland ee golaha Baarlamaanka Britain ee loo yaqaano (Somaliland Cross Party Parlamenterian Group) isla markaana la dar-dar geliyo hawlahii ictiraaf raadinta ee Somaliland taasi oo hakad ku yimid
4. Sidii Shirarka soo socda ee ku saabsan arrimaha qaddiyadda madax banaanida Somaliland iyo dannaha Somaliland iyo Britain ay uga qayb geli lahaayeen xisbiyada Mucaaridku oo ay xubno u matala shirarkaasi u yeelan lahaayeen iyadoo laga duulayo sidii Dawladda iyo Xisbiyada Mucaaridku ay uga wada shaqayn lahaayeen arrinta qaddiyada ictiraaf raadinta iyo danaha Somaliland iyo Britain.”
Online/Office
WWarfaafinta



