You are here: Home

Radio Hargeysa Official Website.

JA slide show

Maareeyaha hay,ada wadooyinka somaliland oo Maanta si Rasmi ah xadhiga Uga jaray dhisme biyo xidheen ah oo loo sameeyay Buunadadda Yagoori

Laascaanood-Maareeyaha Hay,adda wadooyinka somaliland mudane cabdiwaxid cabdiqaadir cabdiraxman ayaa xadhiga ka jaray dhisme biyo xidheen ah oo loo sameeyay buunadada yagoori waxaana si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha deegaanka iyagoo munaasibadii xadhiga lagaga jarayay ay ka soo qayb galeen cuqaal waxgarad iyo dadweyne fara badan.

waxaana ugu horayntii xadhiga ka jaray Maareeyaha Maareeyaha Hay,adda wadooyinka somaliland mudane cabdiwaxid cabdiqaadir cabdiraxman isagoo sheegay in mashaariicda hay,ada wadoyinku ka qabatay deegaankan ay badan tahay isla markaana ay ka mid tahay waxqabdka intii uu xilka hayay.


sidoo kalena waxaa ka hadlay cuqaal iyo waxgaradkii ka soo qayb galay oo soo dhaweeyay waxqabaka hay,ayda wadooyinka iyagoo sheegay inay mashruucan badbaadiyay buundada yagoori iyo xabaalaha ku dhow oo burbur laxaad leh soo gaadhay. 

maaha markii u horaysay hay,ada wadooyinka somaliland mashaaric dib hagaajin ah ku samayso wadooyinka iyo buundooyin badan oo ku yaala gobolka sool.

 

International News

AL JAZEERA ENGLISH (AJE)
Al Jazeera Network

Toos u dhagayso Idaacadda

News in English

الأخبار باللغة العربية